Shirkadda Isgaadhsiinta Casriga ah ee Telesom oo 50 koombiitar ugu deeqday Jaamacadda Camuud

Boorama – (warsoor) – Shirkadda Isgaadhsiinta casriga ah ee TELESOM ayaa 50 koombiitar ugu deeqday Jaamacadda camuud oo ka mid ah Jaamacadda ugu waaweyn uguna aqoonta sareeyey jaamacada dalka.

Shirkadda Telesom iyadoo door laxaadle ka qaadata arimaha horumarinta bulshadda, waxaana ka  go’an goorkasta inay dhiiri-galiso horumarka jaamacadaha qaranka, sida Jaamacadda Camuud oo ah goob kulmisa kumanaan araday oo wax barasho uga soo doonta dhamaan goboladda dalka iyo dalalka Jaarka la ah Somaliland.

Xafladan si weyn loo soo agaasimay ayaa 05 June, 2016 lagu qabtay hoolka shirarka ee Jaamacadda Camuud waxaana ka soo qayb-galay gudoomiye ku-xigeenka Jaamacadda Camuud, hormuudka kuuliyadaha Jaamacadda Camuud iyo masuuliyiin sarsare oo ka tirsan shirkadda Telesom.

DSC_0189Maamulaha Telesom Boorama Cabdiqaadir Aadan Nuur oo ugu horayn ka hadlay taageeraddii ay shirkadda Telesom siisay Jaamacadda camuud ayaa sheegay in maamulka Jaamacadda qaarkood ay shirkaddu u qalabaysay xafiisyadooda, waxaa kale oo uu sheegay waddada soo gasha Jaamacadda inay shirkadda Telesom ay noqotay shirkaddii kowaad ee lacagtii ugu horaysay ee lagu bilaabay waddadaasi bixisa.

DSC_0198Xafladii wareejinta deeqdan Kombiitaradda waxaa ka hadlay Agaasimaha Horumarinta Arimaha Bulshadda ee shirkadda TELESOM Md. Cabdiwahaab Maaxa waxaanu ka hadlay ujeedada shirkadda TELESOM ugu deeqday Jaamacada  Camuud Koombiitaradda waxaanu yidhi, “Lacag badan bay nagu joogaan oo ilaa $40,000 ku dhow, waxaanan ugu talo-galnay in shaqadda loogu talo-galay ay wakhtigooda qabtaan. Daryeelkooda iyo masuuliyadooda Insha Allaahu Tacaalaa waa dad aanu ku aaminay oo aanu ognahay inay ka soo baxayaan, waayo koombiitaradii 20 sano ka hor la siiyey ayaa qaarkood wali sii shaqaynayaan oo wali jaamacadda yaala. Kuwan waxaan rajanaynayaa laabtankanaa labaatankooda in qaarkood ay gaadhi doonaan.”

Maamulka Jaamacadda Camuud ayaa iyaguna dhinacooda ka mahad-celiyey deeqda ay shirkadda TELESOM soo gaadhsiisay Jaamacadda. Madaxweyne ku-xigeenka Jaamacadda Camuud Professor Boqore oo ku hadlaayey afka maamulka, barayaasha sare iyo ardayda Jaamacadda wax ka barata ayaa yidhi, “Wixii aad noo qabateen, waxaanu nahay dad xili karaya, ogsoon baanu nahay, oo maalmahaa adag ee aad naga soo saarteen runtii mar walba waanu xasuusanaynaa. Hadyaddan aad maanta noo keenteena waa mid aanu aad iyo aad ugu baahnayn runtii. Koombuyuutaradii hore ayaa naga sii dhamaanaya. 50-kaa koombuyuutar wax weyn bay jaamacadda ka tarayaan iyo aad baad u mahadsan tihiin”.

DSC_0229 DSC_0253 DSC_0182 DSC_0175

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.