Shirka Madasha Aragti-wadaagga oo la filayo in Berri la soo geba-gebeeyo iyo kulamo ka socda Garoowe

Garowe – (warsoor) – Waxaa magaalada Garowe ee caasimada u ah maamulka Puntland ka soconaya shirka madasha aragti wadaagga ah ee uu soo agaasimay machadka Heritage.

Shirkan oo magaalada Garowe ka bilowday gelinkii dambe ee maalinnimadii Arbaca ayaa waxaa la filayaa in uu soo dhammaado maalinta Berri ah oo Sbati ah.

Garowe ayaa waxaa laga dareemayaa dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed ay sameynayaan masuuliiyiinta dawladda iyo kuwa mucaaradka qaar ay wadaan magaaladaasi, kaas oo ka madax bannaan shirka madasha ay qabaneyso.

Masuuliyiinta ku sugan Garowe ee qaybta ka ah shirkan ayaa waxa ay u jeediyeen horay khudbado kala duwan oo ay ku soo bandhigayeen aragtiyadooda siyaasadeed, xaaladda dalka guud ahaan gaar ahaanna arrimaha doorashooyinka dalka ee murank faraha badani uu ka jiro.

Berri marka oo soo dhammaado ayaa la filayaa in warbaahinta loo qaybiyo warmurtiyeedka laga soo saari doono oo ku aadan waxyaabihii la isla afgartay.