Shirka Golaha Wasiirrada oo looga hadlay qodobbo ay ka mid yihiin Amniga Doorashooyinka

Muqdisho – (warsoor) – Shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu guddoomiyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa looga hadlay qodobbo ay ka mid yihiin Amniga Doorashooyinka, Amniga Qaranka iyo  xuduudaha dalka, Kaalinta IGAD ee xal u helista khilaafka Soomaaliya iyo Kenya, halka lagu Dhageystay warbixinno la xiriira socdaalkii  Ra’iisul Wasaaraha ee Puntland iyo Galmudug.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cismaan Abuukar Dubbe ayaa Warbaahinta u sharxay qodobada ka soo baxay shirka Golaha Wasiirada.