Shirka golaha wasiirada oo lagu ansixiyey hindise sharciyeedka Xajka, loogana hadlay arrimo kale

Muqdisho – (WARSOOR) – Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa looga hadlay, xaaladda guud ee amniga dalka, Xanuunka Safmarka Karoona, warbixinno ku saabsan safarro shaqo oo wasiirro ka tirsan Xukuumadda ay ku tageen gudaha dalka iyo dibeddiisa, waxaana lagu ansixiyey  hindise sharciyeedka Xajka iyo hindise sharciyeedka Habka maktabadaha Soomaaliyeed.