Shirgudoonka Golaha Wakiilada JSL oo kulamo is barasho iyo xog iswaydaarsi ah la yeeshay waaxda Maamulka shaqada

HARGEYSA – (WARSOOR) – Shirgudoonka Golaha Wakiilada JSL ayaa maanta kulamo is barasho iyo xog iswaydaarsi ah la yeeshay waaxda Maamulka shaqada ee Golaha Wakiilada.

Gudoomiye Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo ay wehelinayaan Gudoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Siciid Mire Faarax (Giire) iyo Xoghayaha Guud ee Golaha Cabdirisaaq Siciid Ayaanle ayaa waxay Laba kulan oo kala duwan la yeesheen Agaasime Waaxeedyada Golaha iyo kulanka labaad oo ay la yeesheen la taliyayaasha Golaha.

Labada kulan oo waqti badan qaatay ayaa si wanaagsan laysula lafula garay shaqada golaha iyo sidii ay Habsami iyo hufnaan ugu sii socon lahayd