Sheekadda Ninkii Ducadda Loogu Yeedhay: Kulanka Madaxweynaha iyo Cabdikariim Axmed Mooge

Beri ayeey reer duceysteen oo adhi badan la qalay. Nin ka mid ah xertii loogu yeedhay ducadda ayaa is yidhi ducadan hilibka badan la cunayo uga faa’idee inaadeerkaa oo quraankana wax ha ka akhriyo, hilibkana wax ha ka cunee bi’i waaye ninka u yeedh kolay meel halkanuu ku saruuradaysan yahoo kolayba ishaa hilib la’aan baa u yeeshee. Kolkii ducaddii la yimid oo ninkii xerta ka mid ahaana inaadeerkii xer ahaan ku soo kaxeeyey ayaa xertii bilowday quraankii.

Kolkii la wareejiyey in quraankii la akhriyo ee uu nin walba Yaasiin akhrinayey ayuun buu ninkii xerta layskaga soo daray ee inaadeerkii u yeedhay uu isagu mar walba Wal-casri ku cel-celiyaa. Kolkay dhowr jeer soo wareegtay ee uu marwalba Wal-casri ninkii akhriyey ayaa kolkii danbe ninkii Xerta ku jiray ee soo kaxeeyey ayaa si yaroo canaan leh dadkii kale oo maqlaya ugu odhanaya “Waar dee Yaasiin baa la akhriyayaa.” Dadkii oo jawaabtiisa sugaya ayaa ninkii la soo kaxeeyey odhanaya, “Waar Walcasrina quraanka ha ka saarin, anigana xerta hayga saarina!”.

Waar imika Abdikariim Axmed Moogana mucaaridow ninku Mayor buu rabaaye garta oo mayornimadda ha ka saarina; waar idinkuna muxaafidoow ninku xisbi mucaarid buu ka soo baxay oo cod aynaan arag buu keenaye la shaqeeya.

Saaxiibkay iyo walaalkay Cabdikariim Axmed Mooge aad iyo aad ayaan u hanbalyeeynayaa uguna duceynayaa. Waa shakhsi qiimo badan leh. Horta kulanka uu ku arkay madaxweynaha maanta waa shax wanaagsan oo uu ciyaaray. Nin cod badan ku soo baxay oo maayarnimo rabaa maaha inuu colaadaysto madaxweynaha kursiga ku fadhiya, Ilaahay ha guuleeyee, Mayor kastoo yimaadana khasab bay ku tahay inuu xukuumadda la shaqeeyo. Mayoraddii aanu berigii mucaaridka ka soo saarnay kuligood waa kuwii xukuumadda la wada shaqeeyey ee idinkuna shiciboow taasi ku biyo caba. Guul iyo Gobanimo.

Waxaa qoray: Jamaal Cali Xuseen