Shaqo la’aan mise ma shaqaystannimo

Waa dood taagan dalka ma shaqo la’aan ayaa ka jirta mise ma shaqaystannimo ayaa ka jirta? Dood inta badan mashaariici ku hoos jirto ayaa meel kasta laga sheegaa oo ah dalkan ay kaw kaga siisay shaqo la’aan waxa se aan qabaa in ay tahay dood jaban.

Saddex mushkiladood ayaana sees u ah is maandhaafka jira:

  1. In aynaan lahayn baadhis, waxa haayadaha gaalo innoo sheegaanna aynu sida shimbirta baqbaqaada ugu celcelinno madax ilaa minjo.
    Madaxwayne ilaa arday waa la innoo laqimay shaqo la’aan ayaa jirta tusaale ahaan se tiro koob ma haynno.
  2. In shaqada aynu nooc ah u naqaanno oo bulshada uu ku dhex faafay fahan qalloocan oo ah qofkii aan xafiis fadhiisan inaanu shaqayn. Shaqooyinkana ay u kala saarnay kuwo sare iyo kuwo hoose.
  3. In aynu nahay bulsho isku dul nool oo wiilka Jaamacad ka baxay uu 10 sano kusii noolaan karo wax waalidkii siiyo ama uu shaxaad ku helo, taasina ay keentay in maqaaxiyaha la iska wada fadhiyo.

Guud ahaan doodda wasiirka Shaqada ayaan la qabaa, qof kasta oo diyaar u ah dooddaas shaqo la’aanta in laga qanciyana diyaar ayaan u ahay, Tv kasta ama madal kasta.

Saaxiib Ahmed Cadde haddii wasiirku runta ku eedaamay ma danbi ayuu galay? Haddii isagu uu runta sheegi waayo yaa kale ee sheegi lahaa? Haddii shaqo la’aani jirto sidee ajaanibku bilo gudahood innooga taajireen? Kumannaanka jaamacadaha kasoo baxaya meel qaadda looma hayee diyaar ma u yihiin in ay iyagu wax samaystaan sidii uu sheegay Sooraan Alle ha u naxariistee? Iyo qaar kale oo badan.

War caddaaday.