Shacabka Turkiga oo u Dabaaldegay sannad guuradii 99aad ee maalinta Xoriyadda iyo Madaxweyne Erdoğan oo Hambalyo u diray

ANKARA – (WARSOOR) – Madaxweynaha Dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa dhambaal u diray shacabka dalkiisa xuska 99-guuradii ka soo wareegtay maalinta Jamhuuriyadda Turkiga.

Dhambaalkan oo uu ku baahiyey xuska maalinta jamhuuriyadda dalka ee 29 Oct, Erdogan waxa uu ku sheegay in maanta uu ku faraxsan yahay in uu u dabaaldego sannad-guurada 99-aad ee Jamhuuriyadda Turkiga.

Isagoo u hambalyeeyay qof kasta oo ku nool 81-ka gobol ee Turkiga iyo malaayiin muwaadiniin ah oo ka kala yimid daafaha adduunka oo dhan maalinta Jamhuuriyadda, Madaxweyne Erdogan wuxuu muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay dadka la wadaagay farxadda ciidda ee Waddankiisa.Isagoo xasuusanaya aasaasihii Jamhuuriyadda Turkiga, Mustafa Kemal Atatürk, iyo xubnaha waddaniga ah ee baarlamaanka Turkiga, geesiyaashii u soo hooyey gobonimada iyo madax-banaanida Turkiga, waxaana lagu xusay dhammaan mujaahidiinta.

Xuska Dabaaldegga maalinta Jamhuuriyadda Turkiga ayaa si weyn looga Xusaa dhammaan 81-ka gobol ee Turkigu ka kooban yahay.

Shiine Cilmi kaahin –

SLNTV ISTANBUL