Shacabka Reer Caynaba oo Soo Dhaweyn Aan Kala Hadh Lahayn Ku Qaabilay Wefti uu Hoggaaminayo Madaxweynaha Somaliland

Caynaba – (warsoor) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo, ayaa  soo dhaweyn ballaadhan loogu sameeyey magaalo madaxda gobolka Saraar ee Caynaba iyo deegaannada dhinaca galbeed kaga teedsan.

Shacabka ku dhaqan magaalada Caynaba oo isugu jira madax-dhaqameed,  aqoonyahanka, culimada, dhallinyarada, haweenka iyo siyaasiyiintu, isla markaana ay hormood u yihiin maamulka gobolka Saraar iyo ka degmada, ayaa madaxweynaha iyo weftigiisa kaga horyimi dhinaca galbeed ee magaalada, waxana ay iyaga oo lulaya calanka Jamhuuriyadda Somaliland iyo caleemo qoyan u galbiyeen dhinaca fagaaraha khayriyada magaalada halkaas oo ay madaxweynaha iyo weftigiisu shacabka kala hadleen.

Madaxweynaha iyo weftigiisa oo ku gudo jira socdaalkooda shaqo ee ay ku marayaan qaar kamid ah gobollada dalka, ayaa shacabka ku dhaqan magaalada Caynaba kala hadlay goob fagaare ah, waxana ay uga mahadceliyeen soo dhaweynta diirran ee ay ku qaabileen.

Badhasaabka gobolka Saraar, Mudane Axmed Maxamed Xaashi Ducaale oo hadal kooban ka jeediyey goobtaas, ayaa shacabka ku bogaadiyey sida milgaha leh ee ay weftiga madaxweynuhu hoggaaminayo usoo dhaweeyeen, isaga oo  xukuumaddana ku ammaanay mashaariicda ay  gobolka Saraar ka fulisay.

Wasiirka Shaqo-gelinta Arrimaha Bulshada iyo Qoyska, Marwo  Hinda Jaamac Gaanni, ayaa iyaduna bulshada ku dhaqan gobolka Saraar iyo deegaannada hoos yimaadda uga mahadnaqday soo dhaweyntooda, waxana ay shacabka ku adkaysay inay sii xoojiyaan taageerada ay u hayaan xukuumadda talada haysa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo isaguna oo khudbad u jeediyey bulshada ku dhaqan magaalada Caynaba, ayaa si mug leh uga mahadceliyey soo dhaweynta aan kala hadhka lahayn ee lagu qaabilay, isaga oo ku boorriyey shacabka inay adkeeyaan midnimada iyo wada jirka dhexdooda ah.

Madaxweynuhu waxa uu shacabka soo dhaweeyey uga warramay ujeeddada safarkiisa oo salka ku hayo oo uu ku sheegay sidii uu fursad isla-xisaabtan u siin lahaa shacabkii soo doortay, “Safarkayagu waxa uu ahaa dadkii na doortay inaannu is horgeynno, ardayguna marka sanad-dugsiyeedka loo xidhayo warqad baa loo dhibaa oo  maxaad keentay baa la yidhaahdaa, xisbiyada iyo madaxweynaha la doortayna dadkii  awoodda u dhiibtay baa yidhaahda  awooddii aannu kuu dhiibnay xaggeed geyseen, markaa imika waxannu hortiinna ugu soo noqonnay inaad imtixaankii naga qaaddaan, illayn codka idinkaa leh oo idinkaa woodda noo dhiibtaye,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi  waxa uu farriin dardaaran ah u diray guud ahaan shacabka reer Somaliland, gaar ahaan kuwa ku dhaqan gobolka Saraar ee soo dhaweynta u sameeyey, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Farriintaydu waa inay Somaliland mid wada tahay, qoys qoys ma kala nihin, degmooyinkiina way tartamayaan, laakiin tartankaasi waa inuu dhisaa Somaliland oo mid ah oo wax wada leh oo hore u socota dhisaa.”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.