Shacabka Gobolka Awdal oo Dhuullo-tus la yaableh ku soo Dhaweeyey Wefti ay Horkacayaan Murrashaxiinta xisbiga KULMIYE

Boorama – (warsoor) – Shacabweynaha ku dhaqan Gobolka Awdal, ayaa dhuullo-tus layaab leh ku muujiyey taageerada laxaadka leh ee ay u hayaan xisbal-xaakimka KULMIYE, kadib markii wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, ahna murrashaxa xilkaasi ee mar labaad Md. Cabdiraxmaan Cabbdilaahi Ismaaciil(saylici) oo uu wehelinayo Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi ay socdaal ku tageen magaalo-madaxda Gobolka Awdal ee Boorama iyo deegaannada dhinaca bariga kaga teedsan.

Weftiga oo ay qayb ka yihiin xubno hoggaanka sare ee ULMIYE ah, wasiirro xukuumadda ka tirsan iyo siyaasiyiin ka tirsan xisbiga oo uu ka mid yahay Wasiirkii hore ee Maaliyadda Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale,  ayaa taageerayaashu kaga horyimaadeen deegaanka degmada Dila, halkaas oo magaalada Dila loo dhigay roogga Cas ee lagu maamuuso madaxda, waxaanna madaxdu salaam la dhex qaadeen boqolaal dadweyne ah oo safaf dhaadheer ugu jiray jidka way nee laamida ah. Sidoo kalena, soo dhawayntaas oo kale waxay weftigu kala kulmeen inta u dhexaysa Dila ilaa Boorama, gaar ahaan deegaannada Tulli iyo Goroyo Cawl.

dsc_6621

Soo dhawaynta u waynayd oo ka dhacday magaalo madaxda Gobolka Awdal ee Boorama oo duleedkeeda lagaga hortagay weftiga, iyadoo markii dambena loo galbiyey fagaaraha wayn ee Khayriyada oo ay isugu soo baxeen kumanaan dadweyne u heellan xisbal-xaakimka Somaliland oo lulayey calamada Qaranka iyo ka xisbiga KULMIYE.

Badhasaabka gobolka Awdal Md. Mustafe Cabdi Ciise (Shiine) oo ugu horrayn fagaaraha khayriyadda oo ay soo buux-dhaafiyeen kumanaan taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee Gobbolka Awdal ah, ayaa u mahadnaqay taageerayaasha muujiyey sida ay heegan ugu yihiin hiilka iyo jacaylka ay u qabaan xisbul-xaakimka KULMIYE iyo taageerayaashiisaba

Guddoomiyaha golaha Degmada Borama Md. Maxamed Xuseen Maydhane, ayaa isna mahadnaq kadib tilmaamay sababaha shacabku u dooranayaan xisbiga KULMIYE mar labaad oo uu saldhig uga dhigay waxqabadka ballaadhan ee ay xukuumaddiisu fulisay muddadii ay hadda xilka haysay, waxaannu taageerayaasha isugu soo baxay dhoolla-tuska taageero uu kula dardaarmay inay codkooda la barbar-istaagaan murrashaxiinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenkiisa.

Wasiirkii hore ee xukuumaddii madaxweyne Daahir Rayaale u qaabilsanaa Wasaaradda Warfaafinta Md. Axmed Xaaji Daahir Axmed, haatana kamid ah xisbiga KULMIYE oo isagu saamayn ku leh gobolka Awdal, ayaa soo dhaweeynta weftiga kadib waxa uu ugu bushaareeyey inay marag ma-doon tahay inuu xisbiga KULMIYE gobolka Awdal ku leeyahay taageerayaal baaxad leh oo guul horseedi kara.

Soo dhawayntii Gudoomiyaha kulmiye

Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal oo ka mid ahaa madaxdhaqameedka soo dhawaynta ka qaybqaatay, ayaa uga mahadceliyey weftiga KULMIYE booqashada ay ku yimaadeen Boorama, waxaannu ugu bushaareeyey inay  xisbi ahaan hanteen quluubta shacabka reer Awdal, taasina ay marag u tahay soo dhaweynta loo sameeyey.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Md. Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani) oo hadalka qaatay, ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay inay isku hagaagaan dhoolla-tuska reer KULMIYE ka dhigeen Borama iyo madaxweyne-ku-xigeenkii oo isaga oo caafimaad qaba kasoo laabtay safarkiisii caafimaad ee uu dibadda ugu maqnaa, waxaannu yidhi, “Maanta waa maalin aad sugayseen oo aad madaxweyne-ku-xigeenka sugayseen oo aad guddoomiyaha xisbiga sugayseen, waxana mahad iska leh ilaaha maanta isaga oo caafimaad qaba madaxweyne-ku-xigeenkii dib inoogu soo celiyey isaga oo caafimaad qaba, hawshii caafimaad ee uu Dubai ku galayna uu si qurux badan u dhacay oo lagu guulaystay waxana aan isleeyahay sidii Axmed Muumin Seed loosoo dhaweeyey ee Somaliland oo dhami yaabtay maanta uun baana u dhiganta, waana maalin aad ku ballan qaadaysaan inaad xisbiga KULMIYE u codaysaan.”

Guddoomiyaha KULMIYE, ahna murrashaxa Madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi oo si kal iyo laab ah uga mahadceliyey qaalibaadda farxaddu ku dheehantahay ee reer Awdal ku taageereen, ayaa si hufan u hogo-tusaaleeyey ahdaafta lama dhaafaanka ah ee xisbiga KULMIYE doonayo inuu hirgeliyo haddii uu talada dalka mar labaad ku guulaysto, “KULMIYE waxa uu higsanayaa marka ugu horraysa waa midnimo, Somaliland oo mid ah oo Bari iyo Galbeed sidaa maanta ay abaaraha isugu gurmatay ee gobolladii u bariyeeyey xoolahoodii lagu sii daayey kuwii galbeedka in Qaw ilaa Law-yacaddo ay noqoto mid qudha oo walaalo ah, haddii aynu KULMIYE nahayna waxa inoo ballan ah inuu sharcigu sarreeyo oo dadka Somaliland oo dhammi u sinmaan sharciga oo ay  yihiin walaalo wax wada leh,” ayuu yidhi Md. Muuse Biixi.

Waxa kaloo uu sharraxay waxyaabaha uu xisbiga KULMIYE dheeryahay dhiggiisa axsaabta mucaaridka ah ee horseedi u noqonaya in shacabku codkooda la garab galaan, waxaannu yidhi, “Xisbiyada tartamayaa waa xisbiyo Somaliland ah, ragga u tartamayaana waa wada muwaadiniin, nin walibana waxa uu badka soo dhigayaa waxa uu doonayo in lagu doorto, innaguna aqoon, waxqabad, qancin iyo tusaale wanaagsan baynu wax ku doonaynaa, axsaabtana waxaanu dheernahay dhawr waxyaabood oo aanay iyagu lahayn oo aan faan ahayn, waana marka koowaade xisbiga KULMIYE waa xisbiga ugu waayo-aragsan xisbiyada, waxaanu soo maray mucaarad adag, xukunkii oo uu hayo oo uu weliba dadka uu tusay Bari iyo Galbeed waxa uu qabtay oo aqoon leh oo waddo leh oo caafimaad leh, waana waxaan dheernahay labada xisbi ee nala tartamaya. Waxa kale oo uu dheeryahay xisbiyada kale xisbiyahankaas muddada 12-sanadood ah soo aasaasay xisbiga oo waayo-arag ah oo soo arkay habka Somaliland loo maamulo oo ah kuwa maanta suurtogeliyey in walaaladeenii Sool iyo Awdal ay abaarta iyo siyaasadda walaalo mid ah ku noqdaan oo ka dhex saaray shakigii iyo colaadihii iyo wixii la kala qabay, waxaynu u soconnaa shanta sanno ee dambe inay hoos u dhacdo qabyaaladdu oo ay ka waynaato Somaliland-nimadu.”

Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi waxa uu xusay in awoodda iyo quwadda shacabku ku jirto kala duwanaanshaooda, isla markaana loo baahan sidii loo midayn lahaa afkaarta kala jaadka ah si  horumar loo gaadho, “Midnimadeena, qaran-nimadeena iyo xooggeennu waxa uu ku jiraa kala duwanaan shaheena, aniga oo beeralay ah, adiga oo kalluumaysato ah, adiga oo Tumaal ah, adiga oo geel jire ah, aniga oo kabo-tole ah iyo aniga oo wax dhisa marka aynu kala duwanaanshahaas midayno ee KULMIYE wada noqono, ayey xooggeena iyo qaran-nimadeenu soo baxaysaa oo aynu horumar gaadhaynaa,” ayuu hadalkiisa raaciyey.

Waxa uu si weyn u amaanay magaalada Borama iyo dadka ku dhaqan, waxana uu xusay inuu noloshiisii waxbarasho kasoo aflaxay jaamacado ku yaalla Borama, isla markaana abaalkii iyo tacabkii la geliyey aanu weligii ilaawi doonin oo uu maankiisa ku hayo.

Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo soo gunnaanaday khudbadihii fagaaraha, ayaa si weyn uga mahadceliyey soo dhaweynta qiimaha leh ee waftiga uu hoggaaminayo loo sameeyey, waxaannu xusay in intaas iyo inka badanba laga filayey shacabka reer Awdal, isaga oo tilmaamay inay diyaar u yihiin dhammaytirka waxkasta oo ka qabyoobay qorshahoodii ay hore kursiga ku fuuleen, waxana uu yidhi, “Reer Awdal-ow waxaan idin leeyahay lixdii sanno ee xisbiga KULMIYE dalka maamulayey wixii isbeddel ku dhacay gobolkiina iyo dalkaba waad la socotaa, maantana haddii wax naga qaldameen ama wax naga habsaameen waxaannu diyaar u nahay inaannu dhammaytiri doono muddada soo socota haddii aad na doorataan, waxaanuna ballan qaadaynaa inaannu aafada qabyaaladda iyo tahriibka ee ina ragaadiyey aannu meesha ka saari doono oo aqoontu shaqayso oo dhallinyaradu khayraadka iyo shaqooyinkaba u sinnaan doonaan.”

Mudane Saylici waxa uu caddeeyey inay dhisi doonaan waddada Borama iyo Lawyacaddo isku xidha haddii ay mar labaad talada dalka ku guulaystaan, taasina ay xagga hore kaga jirto ballamaha uu xisbigu gelayo.

HALKAN KA DAAWO KHUDBADDA GUDDOOMIYAHA:

dsc_6402

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.