SAWIRO:- Puntland oo Midowga Yurub kala hadashay ka hortagga Kalluumaysiga sharci darrada

PUNTLAND – (WARSOOR) – Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo gadiidka badda Mamaulka Puntland Senetor Mohamed Cabdi Majiino iyo Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Qorshaynta Hor-umarinta dhaqaalaha iyo Xiriirka Caalamiga ahna Duqa Degmada Bossaso Abdiqani Ahmed Ismail (Deera-dile) ayaa kulan la qaatay Taliyaha Ciidanka Ilaalada badda Puntland ee Midowga Yurub, Admiral Alejandro Cuerda.

Kulanka oo ka dhacay dusha sare mid ka mida maraakiibta howlgalada Midowga yurub Ayaa looga hadlay xoojinta iskaashiga Amniga xeebaha Puntland Xakamaynta Tahriibka joojinta Kallumaysiga sharci darada ah ilaalinta Hubka kasoo dega eeriyada xeebaha Boosaaso iyo arimo kale oo muhiim ah.

Duqa degmada Bossaso ayaa ku booriyey ciidamadda ilaaliyaha xeebaha puntland ee midowga yurub shaqada ay ahaan wuxuna sheegay in la xoojiyo lagana wada shaqeeyo ilaalinta iyo la dagaalanka wax walba oo sharcidaro ah una keeni kara Amni xumo Xeebaha Puntland.

Meelo kamid ah Xeebaha Soomaaliya ayaa waxaa mararka qaar si sharci darro ah uga kalluumeysta Maraakiib iyo Doonyo Shisheeye, sidoo kale waxaa ku sugan Maraakiib Shisheeye, kuwaas oo sheega inay la dagaalamayaan Kooxaha Burcad Baddeeda Soomaalida.