Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti oo Si Weyn Dalka Jabuuti ugu soo Dhoweeyey Gudoomiyaha Xisbiga Waddani

Jabuuti – (warsoor) – Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti Ambassador Cabdifatax Siciid Axmed, ayaa Dalka Jabuuti kusoo dhoweeyey Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ‘Cirro’.

Safiirka ayaa Garoonka Diyaaradaha dalka Jabuuti kaga Hor-tagay Gudoomiyaha, isla markaana kusoo dhoweeyey meeqaam-madaxtimo oo dhamaystiran.

Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, ayaa si weyn uga mahad-celiyey soo dhoweynta qaranimo ee u sameeyey Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti Ambassador Cabdifatax Siciid Axmed.

Gudoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi oo hadda safar shaqo ku jooga dalka Jabuuti, ayaa la filayaa inuu halkaa ku sugnaado todobaadkan, isagoo kulamo la qaadan doona Madax sare oo ka Tirsan Xukuumada dalka Jabuuti.