Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti oo Meeqaam sare kusoo Dhoweeyey Wafti Balaadhan ka Socda Haayada Tayada Somaliland oo Safar Shaqo ku Tagay Jabuuti

JABUUTI – (WARSOOR) – Safiirka Somaliland u fadhiya Jabuuti Ambassador Cabdifatax Siciid Axmed, ayaa dalka Jabuuti kusoo dhoweyey Wafti sare oo ka socda Haayada Tayada iyo dhawrista Somaliland oo safar shaqo ku jooga dalka Jabuuti.

Safiirka ayaa meeqaam-sare oo dawladeed, isla markaana dhamaystiran kusoo dhoweeyey waftiga ka socda Haayada Tayada iyo dhawrista Somaliland. Sidoo kale,waxa waftiga xubno ka ah Masuuliyiin xilal kala duwan la haya Haayada Tayada Somaliland. Waxana waftiga laga dejiyey qaybta V.I.P-da ee Madaarka dalka Jabuuti.

Waftiga ayaa marti-qaad rasmiya ka halay dawlada Jabuuti, waxanay maalmaha soo socda kulamo la yeelan doonaan Masuuliyiinta Haayadaha Tayada ee dalka Jabuuti.

Waftiga ayaa ka kooban 6 xubnood oo afar kamid ah yihiin Haayada Tayada Somaliland, halka laba xubnoodna yihiin ganacsato, waxanay ka qaybgeli Doonan kulamo Simi-naaro ah.