Safiirka Mareykanka oo soo saaray digniin culus oo ku aadan doorashada dalka

Muqdisho – (Warsoor) – Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa soo saartay diginin culus oo ku aadan doorashada Soomaaliya kadib markii safiir Donald Yamamoto uu kulan la qaatay qaar ka mid ah Midowga musharaxiinta mucaaradka.

Yamamoto ayaa arrimaha doorashooyinka kala hadlay Musharaxiinta kala ah; Xasan Cali Kheyre, Cabdikariin Xuseen Guuleed, Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Cabdinaasir Cabdile Maxamed, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay safaarada Mareykanka ee Soomaaliya, oo lasoo dhigay twitter-ka

Safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya ayaa ugu baaqday siyaasiyiinta Soomaalida inay wadajir uga heshiiyaan doorashada soo socota, ee weli uu muranka ka taagan yahay.

Safaaradda ayaa uga digtay siyaasiyiinta Soomaalida hannaan doorashooyin oo isgarab socda, ama doorashooyin hal dhinac ah. Safaaraddu waxay sidoo kale ka digtay gacan ka hadal.

“Waxaan kala hadlay Cabdikariin Guuleed, Xasan Cali Kheyre, Shariif Xasan Sheekh Aadan, iyo Cabdinaasiir Cabdille Maxamed, iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan baahida deg degga ah ee loo qabo in la helo isu-tanaasul suurta-geliya doorasho lagu kalsoonaan karo oo waqtigeeda ku dhacda. Maya doorasho hal dhinac ah, maya doorashooyin is-barbar socda, maya rabshado,” ayaa lagu yiri qoraalka.