Sababaha keenay wasir faratoon in laga dhigo wasiirka arimaha dibada

Madaxwayne muuse biixi cabdi wuxuu wasiirka arimaha dibadda u magacaabay wasiirkii hore ee waxbarashada, una magacaabay wasiirka arimaha dibadda, iyadoo si deg deg ah xilkii loogu wareejiyay.

Waxaa geeska Africa ka socda siyaasad sedex gesood ah tasoo ay daadihinayaan sedexda hogaamiye ee kala ah ra’iisal wasaaraha Ethiopia, madaxwaynaha Eretria iyo madaxwaynaha Somalia.

Madaxwayne muuse isagoo ka xun arimaha ka dhacaya geeska, waxaa kusoo xidhantay siyaasadii arimaha dibadda ee jamahuuriyada Somaliland, wuxuuna miciin saday inuu magacaba wasiir kazoo jeeda darafyada Somaliland.

Dowlada Ethiopia waxay ahayd mid gacanta ku haysa mas’uuliyinta ka madaxda ah Somalia iyo Somaliland, kuna kharash garayn jirtay dhaqaale xoogan, maamul walba oo jirana ay ku lahayd qunsul ka hawl gala, ula jeedada ugu wayna waxay ahayd sidii ay mustaqbalka Somalia gacanta ugu dhigi lahayd.

Ra’iisal wasaaraha Ethiopia Mr abiy wuxuu xidhiidhka u jaray maamuladii ka jiray Somalia iyo Somaliland wuxuuna kala baxay qunsuladii u fadhiyay, wuxuuna xooga sarayaa sidii Somalia iyo Ethiopia ay u midoobi lahayeen, qorshaha ugu wayna wuxuu yahay inuu helo saxiix laba degmo badeed oo kala ah degmada  marka somalia iyo degmada saylac oo ka tirsan Somaliland.

Wuxuuna sheegay Mr Abiy deked la kiraystaa inaysan macna wayn samaynaynin balse loo baahan yahay dekedo ay wada leeyihin Somalia iyo Ethiopia, Iyadoo aynu ogsoonahay in dekada berbera Ethiopia laga siiyay share dhan 19%, halkaana waxaa ka cad sidii uu u saxiixay maxamaed siyaad bare safer eriya inuu farmaajana saxiixay laba degmo badeed oo kamid ah wixii la isku oran jiray Somalia,  waxaana marqaati ma doon u ah in diradhaba gudaheeda calanka Somalia uu ka dhex lulanaya gidaarada iyo meheradahana lagu buufiyay, halka wixii la isku oran jiray somaliyana calanka Ethiopia  magaala kasta ka lusho, ayna muujinayso inuu xoogaysanayo is dhex gal siyaasadeed oo ka dhex socda labada dal.

Ra’iisal wasaaraha Ethiopia xidhiidhkii qotada dheraa ee u dhaxeeyay Somaliland iyo Ethiopia si diplumaasiyadaysan ayuu u jaray, balse madaxwayne muuse arinka wuu u qadan waayay, isku dayo badan oo ay Somaliland samaysay siday kusoo celin lahayd xidhiidhkii Somaliland iyo Ethiopia umay suurta galin.

Madaxwayne muuse isagoo ka duulaya arimaha, dhaliila badana ay uga yimadeen bulshada qaybaheeda kala duwan wuxuu magacaabay wasiir faratoon oo ah wasiir ay ku adagtahay inuu la jaan qaado arimaha ka socda geeska.

Guntii iyo gunaanadka ka madaxwayne mustaqbal ahaan waxaan u arkaa inay Somaliland u baahan tahay siyaasiyin fur furan kuwasoo aqoon dheraad ah u leh siyaasada Somaliland.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.