Sababaha Keena Wahsiga Badan & Qaababka Looga Adkaan Karo

Hamiga iyo hadal-haynta ku noolaanshaha nolol farxad leh oo ka faaruqa wal-wal iyo walbahaar waa yoolka dad badani hiigsanayaan hase ahaatee gaaritaanka yoolkaas waxaa ka sokeeya waddo qodxanyo leh taas oo cabsi galisa dadka intiisa badan. Waxaa dad badan noloshooda ku gadaaman qanaaco la’aan, tabasho iyo aaminsanaan in ay nasiib xun yihiin taasna waxay ku kaliftay inaysan nolosha heerkii ay rabeen aysan ka gaarin.

Hadaba waxaan maanta iftiiminaynaa mid kamida dabeecadaha aan wanaagsanayn ee curyaamiya horumarka iyo horusocodka qofka bani aadamkaa—dabeecadaas oo ka hor istaagaysa qofku inuu gaaro yoolki uu naftiisa u dajiyay, kareebta asaagiis, humaag iyo mad madowna galisa awooda iyo xirfada Rabi kugu manaystay.

Wahsi waa dib u dhigashada ama ka caajisida shaqo kaa rabta in aad markaas qabatid, waa isku mashquulinta wax kale si aadan eedda dusha naftaada ugu tuurin oo aad hadhow naftaada ugu qancisid waxaas baan ku mashquulsanaa.

Waxyaalo badan baa loo sababeeyaa wahsiga-

  1. a) Waxaa ka mida in aad aragtay dad tusaale kuu ah oo wahsanaya iskuna qancisid waa wax caadi ah in aad wahsatid.
  2. b) In aad ka cabsanaysid waxa kasoo bixi doona waxaad  qabanaysid- tusaale ahaan, waxa aad  rabtaa inaa maqaal qortid, mar walba waxaad arkin adoo ka wahsanaya- wahsigaa waxaa loo aanayn karaa inaad is waydiisid  tolow see buu noqon doonaa maqaalkan.
  3. c) Inaa aaminsantahay inaadan sidii la rabay u qaban Karin  shaqadaas oo shaki kaaga jiro inaad awoodeeda leedahay iyo in kale.

Wahsigu waa dabeecad aan khaas ku ahayn dad gooniya, waxaa la ogaaday xitaa dadka nolosha heerka  ka gaaray, oo noloshooda nidaam iyo yool u sameeyay in ay isku arkaan mar marka qaarkood inay ka wahsadaan howl u baahan in ay markaas qabtaan.

Hadaba si aad uga boodid cilladaan ku banjarinaysa oo had iyo jeer ku curyaaminaysa waxaan kuu soo jeedinayaa dhowr qodob oo ku caawinaya sidii aad uga adkaan lahayd:

 Garo marka aad wahsanaysid

Tani waa furaha xalka kowaad oo aad kaga adkaan kartid dabeecadan qallafsan ee wahsiga. Waxaa lagaaga baahanyahay inaad naftaada daacad u ahaatid oo garowsatid xiliga aad wahsanaysid. Waa in aadan is mootin markii ay kugu soo dhacdo oo aad ogaatid inaad ku jirtid xaalad ka dhicida, waa inay kuu cadahay waxyaalaha aad jeceshahay isku mashquulintooda markii ay shaqo kuu Taal si aad hadhow uga feejignaato, waa inay sidoo kale kuu cadahay waqti intee le’eg baa ku bixisaa waxa kaa mashquuliya shaqada dhabtaa. Garowsiga qodobadaan kor ku xusnay waxay kuu sahlaysaa inaad ogaatid meesha dhibtaadu salka ku hayso, waxay kale oo kuu sahlaysaa inaad xal u heshid.

Kala jajabi oo wax yar ku bilow

Waxaa la ogaaday waxyaalaha ugu badan oo dadka ku riixa wahsiga inay tahay u qoondaynta naftooda inay xaliyaan ama ka shaqeeyaan shaqo culus, waxaa kaloo la ogaaday in cabsidu sii xoogaysato marba hadii shaqo badan kuu taalo taas oo aad rabtid inaad har mar samaysid.  Cabsidu waxay maskaxdaada ugu sheekaynaysaa in waxaan ay badanyihiin oo aadan samaynkarin hal mar. Tani waxay qofka caadi uga dhigaysaa inuu wahsado. Naftaada ha jirabin  hana u dirin wax aadan kasoo bixi Karin, jajabi oo kala dhig-dhig shaqada aad rabtid inaad qabatid. Si aadan marna u helin wax cudurka wahsigu mar-marsiyo ka dhigto.

U daji naftaada yool iyo hadaf xaqiiqi ah

Shaqsigu marka uu leeyahay hadaf iyo yool qoran oo biyo kama dhibcaana waxa ay keentaa inuu noqdo mid hufan oo habaysan, aadna ugu fiican nadaamka iyo maamulida waqtiga. Tani waxay qofka u sahlaysaaa inuu garwaaqsado marka uu ku jiro xaalada wahsiga, naftiisana cafiyo kana soo laabto. Marka si aad uga adkaatid badeecada wahsiga ee ku curyaaminaysa fadlan dagso hadaf iyo yool cad si aad u noqotid qof naftiisu ay nidaamsantahay—waxaa hubaala tani kaligeed inaad ku ciribtiri kartid wahsiga.

Ku shaqee meel dagan oo sharqanyar 

Waxaa marag madoonta ah in naftu jeceshay isku mashquulnita wax aan waxtar badan lahayn—u dookhida meel aan daganayn oo sharqan badan shaqada aad markaas wadidna waxa ay kugu dhalinaysaa inaa durbadiiba ka caajistid oo ka wahsatid adigoo waliba isku qancinaya inay naftaada u qalanto inaad Janis siisid ay xoogaa yar ku raaxaysato.Wahsiga noocaasa waxaa dawo u ah inaad marka hore dooratid meel dagan oo sharqan yar, soo diyaarsatid agabkii aad isticmaali lahayd oo dhan. Taleefoonka silent iska galisid, khadka iska xirtid waa hadii aad tahay mid aad ugu fallan isticmaalka khadka si aad naftaada iyo ruuxaagaba u galisid shaqada aad haysid una waydid waxaad ku mar marsiyooto.

Abaal mari naftaada

Naftu waxay u baahantahay dhiiri-galin ay ku shaqayso sida gaarigu ugu baahanyahay shidaal uu ku socdo. Hadaba si aad naftaada u dhaqaajisid oo u dhiiri galisid, ahow mid mar walba abaalmariya nafta xitaa markay wax yar oo basiida qabato. Abaal marintu ma ahan inaad hadyado iyo kaadow isku soo xirto oo ugu bishaarayso naftaada ee waxay noqon karaan wax yar. Tusaale ahaan waxaad rabtaa inaad qortid maqaal, waxaad ku guulaysatay inaad shanta sadar oo ugu horeeya si fiican u qortay markaas oo kale waxaad naftaada ku abaalmarin kartaa inaa siisid 10 daqiiqo oo aad kaga soo jiirayso facebook ga. Tani waxay kuu sahlaysaa inaa adoo faraxsan oo dardar qaba aad ku soo laabatid shaqadaa waday, waxayna khadka ka saaraysaa waxii wahsi la dhihi jiray.

Gun iyo Gunaanad

Dabeecada wahsigu ma ahan mid kaliya u astaysan dad gooni ah xitaa waxaa la ogaaday dadka dadaalka badan oo nolosha heer ka gaaray inay mar un wax ka wahsadaan lakiin ay dadka kale uga duwanyihiin garowsiga iyo dib u soo qabashada naftooda. Akhriste ceeb ma ahan inaad mar un wahsatid laakiin waxaa ceeba inaa mar walba wahsatid aadna ogayn inaad wahsade tahay naftiisa waqti iyo fursado badan dhaafiyay.

Waxaan rajayn inay wax badan kuu iftiimeen.

Guul iyo Gobonimo.  

Qalinkii: Hamdi Abdikani Shire

Xigasho: Daryeel Magazine