RW Kheyre Oo Kulan La Qaatay Qaar Kamid Ah Madaxda M/Goboleedyada

Dhuusomareeb – (warsoor) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xalay qaar kamid ah Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada dalka kulan kula qaatay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa sigaar ah ula kulmay Madaxweyneyaasha maamulada Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe, Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo Hirsshabeelle Maxamed Cabdi Waare, waxaana kulankaas uu hordhac uu u ahaa kulamo gaar gaar ah oo dhinacyada dhex-mari doona.

Kulankaas ayaa waxaa uu ahaa mid is xog-wareysi ah, waxaana Ra’iisul Wasaaraha iyo Maadxweyneyaasha ka wada hadleen Arrimo ku aadan marlaxadihii ugu dambeeyay ee deegaanadooda iyo Siyaasadda dalka.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Ra’iisul Wasaare Kheyre uu kulan gaar ah la qaadan doono Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, waxaana kulankaas uu noqonayaa midkii ugu horreeyay oo labada dhinac yeeshaan tan iyo markii dib loo doortay Axmed Madoobe, ayna dowladda Federaalka kasoo horjeesatay Doorashadaas.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa dhawaan shir wadatashi ah ku yeelan doona Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Madaxda maamul Goboleedyada dalka, kaasi oo looga hadli doono Arrimo kala duwan, waxaana kamid ah Arrimaha Doorashooyinka, xalinta Khilaafyada jira, iyo sidii dib loogu soo celin lahaa xiriirka DSF iyo Madaxda maamulada iyo Arrimo oo muhiim ah.