Ruushka oo weeraray magaalada Kyiv

Yukrayn – (WARSOOR) – Qaraxyo ayaa laga maqlay xarunta dalka Ukraine ee Kyiv, iyada oo lagu jiro maalintii labaad ee duullaan buuxa oo Ruushku uu ku qaaday dalka ay dariska yihiin.

Wargeyska The New York Times ayaa soo wariyey in uu “xaqiijiyey” fiidiyow muujinya qaraxa oo ka dhacaya magaalada Kyiv. Wargeyska ayaa sidoo kale sheegay in fiidiyowgu “uu u muuqdo in ugu yaraan labo gantaal oo dhulka-illaa-cirka ah laga tuuray meel u dhow Kyiv ka hor intii ayna qarxin.”

Dhawaaqa qalabka digniinta ayaa laga maqlay magaalada Lviv ee galbeedka dalka ku taalla, meel aan ka fogeyn xadka Poland, halkaas safaarado badani ay si kmg ah u dageen.

Woqooyiga Ikraine, ciidamada Ruushka ayaa Khamiistii la wareegay gacan ku haynta xarunta awoodda nuclearka ee Chernobyl. Madaxweynaha Ukraine Volodymr Zelenskyy ayaa dhacdadaas ka dib yiri “tani waa ku-dhawaaqis dagaal oo Yurub oo dhan ka dhan ah.”

Chernobyl waaa goobtii uu ka dhacay qaraxii ugu xumaa dunida ee xarun nuclear. Goobtaas iyo meelaha ka ag dhaw ayaa ahaa kuwa aan la degi karin ilaa 1986 oo ah sanadkii uu qaraxu dhacay.

Dibadbaxyo dagaalka lagaga soo horjeedo ayaa Khamiistii ka dhacay magaalooyinka Moscow iyo St. Petersburg ee Ruushka. Saraakiil ayaa sheegay in ugu yaraan 1,700 oo qof la xiray.