Ruushka oo joojiyay Gaaskii uu siin jiray Bulgaria iyo Poland

Ruushka – (WARSOOR) – Shirkadda Gazprom ee laga leeyahay dalka Ruushka ayaa maanta oo Arbaca ah ku dhawaaqday inay joojisay Gaaska ay siin jirtay Waddamada Bulgaariya iyo Poland ka,ka dib markii ay bixin wayeen lacagta Gaaska Ruushka ee Rubbil,ย Shirkadda Gazprom ayaa xustay in laga yaabo in la hakiyo Gaaska sii mara Poland iyo Bulgaria ee ay siyaan dalaka kale ee reer Yurub.

Wasiirka tamarta Bulgaria Alexander Nikolov, ayaa sheegay in dalkiisu uu diyaar u yahay bixinta dhaqaalaha ku saabsan qandaraasyada uu kamid yahay Gaarska.