Rooble oo Ka Qayb gala Shirkii Golaha Wasiiradda Puntland

MUQDISHO – (WARSOOR) – Ra’iisul Wasaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta ka qeyb galay Shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Dowlad-goboleedka Jubaland.

Shirka oo ay sidoo kale ka qeyb galeen wasiirrada XFS ee Ra’iisul Wasaaraha ku wehliya socdaalkiisa Jubaland ayaa diiradda lagu saaray wada shaqeynta Wasaaradaha kala duwan ee heer federaal iyo Jubaland.