ROOB DOON

Gabaygani waxa uu ka dhashay ka dib markii abaaro ba’an oo ka dhacay Soomaaliya, ay si ba’an u saameeyn dadkii iyo duunyadii. Waxa ay soo baxday sannadkii 1986-kii, waxaanu abwaanku Alle ka baryayaa in uu roob u keeno ummaddiisa. Haddii aad dhugato gabaygan, waxa aad ka fahmayaa in abwaanku aad ugu duceeyey in roob iyo raxmad badan uu dalkeenna siiyo. Saameynta nimcadaasina in Eebbe inaga duwo ayaa uu inoogu duceynayaa, waa gabay Alla bari ah, waa duco

Allahayaw adaa deeq baxshoo, dooja aadmiga e
Adigaa diyaafadin naflaha, qurus u door roone
Adaan daalin oo aan ka baqan, deegis iyo caydhe
Adaa ruuxa meded kaa, dalbaday, hiil u soo dira e
Anna maanta baaq baan damcaye, ducada ii oofi
Eebbow abaaraa “dam” yidhi, degelladii qiiqe

Waa kaa cirkii soo dednaa, dagagar saarrayne
Ma darroorin deyrtii wacneyd, doorkan laba waaye
Daydadii hungowdoo ma rogin, dooxyadiyo ceele
Diraacduba marbay fiican tahay, daayinkay magane
Danbe same halkii uu lahaa, cirir u duukeeye
Dhulkii xaaluf baa diirtayoo, doog ka bixi waaye
Dhidinkiyo kolay daran ku tahay, geed ma saac daye’e
Danbar lagama helo xoolihii, dararta weynaaye
Nugul kuma daraayee isaga, daayay hadalkiiye
Wuxu deeblihii geel ku lumay, degelladii hawde
Harraad baa ku dilay dalawadii, Doollo iyo Cayne

Ma daryeesho nirigtee hadday,  kala digaasheene
Hadduu muur-dac-dhebo lagama filo,  doob inuu rido e
Dawladkii nirgaa dhalay ma dayo,  ugubku doonaayay
Dirka magac ugaadheed kobii, dixi ka goyn waaye
Dibtaagta iyo cawshii bankii, sii dabayshada e
Farawgii  durduro weyn lahaa, deysey orodkiiye
Gorayaduba way daadataa, yibildaraaddiiye
Xagal daaca nugulkii ku dhacay, dacatay geesley’e
Boojadu waxay daadsan tahay, dawga suumaha e
Dunugluhu wuxuu yuururaa, damasha waaweyne
Dayibkiyo hareerigii qallale, doogganaan jiraye
Daraygii midhaha loo igmaday, daadi ubixiiye
Dabadheer salleeley ahayd, Diirataa timiye
Caydh buu dadkii halis u yahay, dawgal baa jira’e
Dahabkaygu xooluu ahaa, daaqsataan ahaye
Waxa aniga ii doollar noqon, deero iyo cawle

Allahayaw dayawnoo kalkeer, laysu dacareeye
Dab cadaaba baa laysku shiday, doorkan maanta ahe
Ehel kala dilaa nagu dhacdoo, diirtay lawyada e
Waa kuwaa dameerii hungada, daadin tenegiiye
Caagad bey la deban-deebaysaa, gaaridii dumare
Duhurkay baqoolaan siday, duullan tegayaane
Dadku wuxu ku nool yahay biyaha, haanta loo daro e
Dur-duradi hadday naga go`een, dawlis iyo ceele
Deeble[i] lagama soo dhaansho iyo, dooxyadii Herere
Reer Berbera dubaar kama cabbaan, guure lagu daalye
Shabeellaan diniin lagu ogayn, dalaggii naafawye
Sanaag baa la duudyaabayaa, deriskii caydhawye

Dooxadii Nugaaliyo dhulkey, dabec ka foofeysey

Gamaankii dareemada ahaa, dawri baa hadhaye

Waa dubur dalaw reerihii, degeyey Xaafuune

Dikhil iyo Jabuutiyo Cartaan dhibicu, dooyeyne
Haddaan ceelka dhaan loo diriyo, duunyo tegi hayne
Denbigaan falaayaa waqey, laygu dawgalaye
Caadkii la duugiyo kuwii, diiday nebigooda
Waxaan duulashii hore ogeyn, doorkan soo baxa e
Dilka iyo dhacaa nagu batiyo, duud sigiyo maage
Ribaa lagu dan seegiyo dulsaar, boobna daba yaallo
Dibbir oo wuxuun qaado baa, loo degdegayaaye
Xalaal iyo marnaba looma dayo, duuf midkay tahay

Dumarkaa is qaawinahayee, debedda meeraaya
Ee aan dedeyn cawradaa, laygu dawgalaye
Qoomkii is doorshaad Rabbaw, deli ka xoortaaye
Inkastoo dunuubtaan qabnaba, dunidu ciir-ciiri
Adigaa dul qaatee Rabbow daymo, naxariis leh
Intay dunidu raartiyo lahayd, duubashiyo Xeerka
Ee uu dad soo jiray ilaa, duudki nebi Aadam
Hadba doobi baa buuxsamoo, daata oo dhaca e
Mashaqaduna waa dayr ku xidhan, daartan oogada e
Waxse darajo hela waa ninkaan, diinta laayicine

Muusiyo dadkiisii markii, dhabiga loo diiray
Ee guuto loo soo dumay iyo, ciidan daba jooga
Ee uu Fircoon doobyayaa, danaxa soo saaray
Baddii dabartay waadigii ka dhigay, daw haloosiya he

Daan-daansi gaalaa waqeed, loogu dawgalaye
In la dilo Ibraahiim markay, duqaydu soo goysay
Dabkuu shiday Namruud iyo wuxuu, dogobbo soo jiiday
Waadigii danshey raranki ay, bilo ku daaleene

Yuusuf oon dareen qabin markii, ceelka lagu duugey
Duul ooman baa loo baxshiyo, dawlis iyo fay e
Waadigii dalluuntii ka fadhay, soo dallacay jeere
Ee uu dadoo idil xukumay, biligu waa doore

Nebi dooran waa caadadii, inuu ducaystaaye
Duq Sekariya goortuu dadkiyo, ubad ku weydiistay
Deg-deg waadigii uga aqbalay, docoga diisiiye
Yaxyoo daahiraa loo waqlalay, ubadku waa deeqe

Cudurkii Ayuub daashadiyo, dacatigii gaadhay
Diif iyo xanuun iyo wuxuu daal, la kici waayay
Markii uu jidhkiisii daldhee, haraggi soo duubmay
Waadigii cusayb dooriyiyo, saaray daawada e

Yooniskii ku daalee ka duday, duul uu kari waayay
Doonida markii uu koree, dooshu socon waydey
Dan baa tidhiye goortii la dhigay, badaha duunkooda
Dalqo bahal markii uu galee , nibiri duuduubay
Inta uu baryada soo dirsaday, “Daa’imaw” yidhiye

Insaankaa darjiidhkiyo lahaa, daw darriyo Saare
Aadam oo wuxuu doonayaba, darajadii haysta
Oo dagal barwaaqiyo fadhiya, daaro iyo seero
Waa kii iblays soo dusee, deyn ka raaridaye
Markay geedka daaqeen ganaax, debadda loo tuurye
Hayeeshee ducaa loo aqbalay, toobaduu dumaye

Haddii darajo lagu waarayiyo, daabbad iyo xoolo
Ama boqor dumaal heli lahaa, dunida soo joogay
Dunta bili nin baa loogu xidhay, duhur dharaareede
Danabkii Sulaymaan ayaa, daaro buuxsadaye
Waadigii dabaysha u sakhiray, jeeruu doonaba e

Beder maalintii laysku dilay, dooxatiyo weerar
Damta iyo rogaalkiyo iyo markay, seeftu demi wayday
Xamse maalintuu dariska dhigay, dirici reer Haashim
Abu-jahal markii soodh la daray, gaaladii dida’e
Inay diintayadu guusha heli, dunida loo sheegye
Adaa mededka noo soo diriyo , malagyo dooroone

Allahayow waxaan doonayaa, waa cirkoo da’a ‘e
Daruur caafimaad baan rabaa, lagu dawoobaaye
Ridwaan noo dir oo nagu gargaar, daad na mulacyeeya
Dal dhammeeye iyo soo waqaal, muuda dibir siiye
Danni biiye dareen nabad kadhige, dunida maansheeye
Dul ka hele daakhilka ugu dhace, beesha wada deeqe
Xayeesh dooje weyd daaq ku kabe, boojo dib u naaxshe
Isu didiye midka taagta daran, doogga ugu hiishe
Dalag beere danyaraha qotiyo, dibiga kaal meeye
Dayib koriye diib geed ku wadhe, damal sitaaceeye

Degmo baahdey habaqle is dul baxay, deeq Allay sugiye
Allahayow na soo daba qaboo, aradka noo dooji
Allaw caydhi way daba xuntee,  debed hanoo saarin.

Amiin Aamin ………………………………..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.