Real Madrid oo ceebeysay Liverpool

LIVERPOOL —  (WARSOOR) – Real Madrid ayaa u muuqatay koox ilaashaneys sumcaddeeda ah inay tahay kooxda ugu wanaagsan Yurub, waxaana Liverpool ay noqotay dhibbanihii ugu dambeeyay ee Madrid, kadib markii ciyaartii Champions League ee xalay ay 5-2 kusoo dhammaatay garoonka Anfield.

Liverpool ayaa ku hormartay labada gool, iyada oo 15-kii daqiiqo ee ciyaarta ugu horreysay ka naxsatay Madrid, laakiin Real oo taariikh ahaan aan niyad jabin koobka Champions League ayaa shan gool ku bedeshay.

Vinicius Jr. iyo Karim Benzema ayaa min laba gool dhaliyay, halka gool horena uu dhaliyay Elder Militao.

Liverpool oo goolasha ku hormartay waxaa u dhalyay Darwin Nunez iyo Mohamed Salah.

Carlo Ancelotti, tababaraha Madrid ayaa sheegay inaysa kooxdiisu ka niyad jabin goolasha looga naxsaday daqiiqadihii ugu horreeyay ee ciyaarta, wuxuuna intaas ku daray in khibradda Karim (Benzema), (Luka) Modric iyo (Toni) Kroos ay caawisay ciyaartooyda da’da yar ee kooxda.

Waxay aheyd guul-darradii lixaad oo ay Liverpool kala kulanto Madrid toddobadii kulan ee ugu dambeysay oo ay la ciyaareen, oo ay ku jiraan finalkii 2018 iyo 2022, iyadoo lugta labaad ay weli u harsan tahay kooxda Juergen Klopp.