Ra’isul Wasaarihii ugu horreeyay ee dumar ah oo loo magacaabay Tunisia

TUNIS — (WARSOOR) — Madaxweynaha Tunisia Qays Saciid ayaa Arbacadii ka yaabiyay dad badan, kadib markii uu Ra’isul Wasaaraha dalkaas u magacabay Prof. Najla Bouden Romdhane, oo ah 63 jir, iyadoo noqotay Ra’isul Wasaarihii ugu horreeyay ee dumar ah ee dalkaas.

Najla Bouden Romdhane oo macallimad ka aheyd kulyadda qiimaha badan ee Injineeriyadda ayaa ah khabiir cilmiga Juquraafiga, waxayna la wareegi doonta xafiiska Ra’isul Wasaaraha oo bannaanaa tan iyo 25-kii Luuliyo ee sanadkan, kadib markii madaxweyne Saciid uu xilka ka qaaday Ra’isul Wasaarihii hore, isla markaanaa uu kala diray baarlamaanka dalkaas.

Bayaan ka soo baxay xafiiska madaxweyne Saciid ayaa ku amray Prof. Bouden inay sida ugu dhakhsa badan u soo magacowdo Golaha Wasiiradda Tunisia.

Tallaabooyinka madaxweynuhu waxay dhinac u riixeen Xisbigii Ennahda ee xukumayay golaha sharciidejinta, taas oo dhalisay in dadka dhaliila ay cambaareeyaan ficilladiisa oo ay ku sheegeen ‘afgambi halis gelinaya dimuqraadiyadda da’da yar’ ee dalka, waxayna ku tilmaameen mid halis gelin karta guulaha dimuqraadiyadeed ee la gaaray kadib kacdoonkii Tunisia oo uu gacan ka geystay Kacdoonkii Guga Carabta horraantii 2010 -kii.

Toddobaadkii hore, madaxweyne Saciid wuxuu laalay inta badan dastuurka, isaga oo ku doodaya inuu ku xukumi karo dalka wareegto muddo aan xadidneyn.

Bouden ayaa laga yaabaa inay yeelato awood ka yar Ra’isul Wasaarihii iyada kahorreyay sida ku cad dastuurkii 2014, waxaana madaxweyne Qays Saciid sheegay toddobaadkii hore markii uu ku dhawaaqayay xilliga degdegga ah in dowladda ku-meelgaarka ah uu madaxweynuhu la xisaabtami doono.

XIGASHO: VOASOMALI