Ra’isul Wasaaraha XFS oo ka qaybgalay gunaanadka shirka 3aad ee Golaha Wadatashiga Qaran (GWQ)

MUQDISHO – (WARSOOR) – Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Hamza Abdi Barre ayaa ka qaybgalay gunaanadka shirka 3aad ee Golaha Wadatashiga Qaran (GWQ) kaas oo lagu qabtay magaalada Muqdisho intii u dhaxeysay 27-31 Oktoobar 2022.

Shirkan oo uu guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Hassan Sheikh Mohamud, waxaa kale oo ka soo qaybgalay Ra’iisul Wasaare K/xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac, Madaxweynaha Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale).

Ugu horeyn Golaha Wadatashiga Qaran wuxuu tacsi u dirayaa shacabka Soomaaliyeed, ehelada iyo qoysaska ay ka baxeen dadkii ku shahiiday weeraradii argagixiso guud ahaan dalka gaar ahaana weerarkii 29 Oktoobar ee agagaarka Zoobe ee magaalada Muqdisho. Sidoo kale, Goluhu wuxuu Allah uga baryayaa inta dhaawacantay inuu u booga-dhayo, inta ku hanti beesheyna bedel kheyr qaba Alle siiyo. Goluhu wuxuu canbaareynayaa gummaadka ay khawaarijtu ku hayso ummadda Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah.