Ra’iisulwasaaraha oo ku dhowaaqay golaha cusub ee Wasiirrada XFS

Muqdisho-(WARSOOR)-Ra’iisulwasaaraha XF Soomaaliya mudane, Xamza Cabdi Barre ayaa goordhow ku dhowaaqay golaha wasiirrada cusub ee xukuumadda uu hoggaamin doono Afarta sana ee soo socota.

Golaha ayaa ka kooban 77 mudane, 25 wasiir 25 ku xigeen, 26 Wasiirudowle iyo Ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo loo magacaabay Saalax Axmed Cali.

Ra’iisulwasaare Xamza oo furay munaasabadda magacaabista golaha wasiirrada ayaa sheegay in la tashiyo badan oo uu la sameeyay madaxweynaha dalka, gudoomiyaha labada Aqal ee Baarlamanka uu soo dhisay gole uu ugu magac daray Dan Qaran uuna rajaynayo inay xilkooda kazoo dhalaalaan.