Ra’iisul wasaare Xamse oo shirguddoomiyey shirkii Golaha wasiiradda

MUQDISHO – (WARSOOR) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre, ayaa guddoomiyey shir Golaha Wasiirrada oo warbixinno looga dhageystay Guddiga Qaran ee Gurmadka Qaraxii KM5, Wasaaradaha Gaashaandhigga, Amniga iyo Maaliyadda.Guddiga Qaran ee Gurmadka Qaraxii isgoyska Soobe ka dhacay 29kii bishii hore, ayaa golaha uga warbixiyey halka ay marayaan howlaha gurmad ee ay wadeen, iyagoo tilmaamay in qaar kamid ah dhaawacyadii darnaa loo qaaday dalka dibeddiisa , welina gurmadku socdo, isla markaana ay dalka soo gaareen dhaqaatiir iyo daawooyin ka yimid dalalka saaxiibada la ah Soomaaliya.

Golaha ayaa warbixin la xiriirta howlgallada xorreynta iyo xasillinta dalka ka dhageystay Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga oo tilmaamay in ay si xowli ku socdaan howlgallada xorreynta iyo xasillinta goobaha ay ku sugan yihiin Argagixisada.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa tilmaamtay deegaanno muhiim ah oo ay gacanta ku hayeen kooxaha argagixisada ah lagala wareegay, welina ay socdaan howlgalka lagu baacsanayo Khawaarijta.Wasaaradda Maaliyadda ayaa Golaha Wasiirrada u soo bandhigtay warbixin ku saabsan halka ay marayaan howllaha deyn cafinta iyo safarkii Wasiirka Maaliyadda uu ku tagey dalka Mareykanka oo kula soo kulmay hay’adaha maaliyadda caalamka, iyadoo la rajeynayo ilaa dhammaadka sanadka danbe in la soo dhameystiro barnaamijka dayn cafinta.