Ra’iisul Wasaare Rooble oo war ka soo saaray doorashadii maanta ka dhacday Muqdisho

MUQDISHO – (WARSOOR) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliyaa Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa hambalyo u diray Xildhibaannada Banaadiriga ee maanta lagu doortay Muqdisho, isagoona u rajeeyay in uu Eebbe ku garab galo mas’uuliyadda culus ee loo igmaday.

Waxaan hambalyo u dirayaa xildhibaannada Banaadiriga ee maanta lagu doortay Muqdisho, waxaanna u rajeynayaa in uu Eebbe ku garab galo mas’uuliyadda cusub ee loo doortay.

Waan ku faraxsanahay in doorashada 62-kii kursi ee la qorsheeyay in Muqdisho lagu doorto ay si guul ah ku soo dhammaatay muddadidi horay loogu asteeyay ee 25-ka Febraayo, iyadoo toddobaadkii horena la soo gebogabeeyay doorashada xildhibaannada Labada Aqal ee baarlamaanka ku matalaya Gobollada Waqooyi.

Waxaan u mahadcelinayaa guddiyadii doorashada maamulay, ciidammada ammaanka iyo Shacabka Muqdisho oo dulqaad muujiyay.

Waxaan rajeynayaa in doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka ee harsan ay ku soo dhammaato muddadii uu isla gartay Golaha Wadatashiga Qaranku ee 15-ka Maarso.