Ra’iisul Wasaare Rooble oo shir guddoomiyey kulanka Golaha Wasiirrada XFS iyo Galmudug

MUQDISHO – (WARSOOR) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo uu wehliyo Madaxweynaha dowlad-goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa shir guddoomiyay shir wadajir ah oo ay yeesheen Golaha Wasiirrada. Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Galmudug.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray wadashaqeynta Hay’adaha Federaalka iyo Dowlad-goboleedka Galmudug,halka warbixinno looga dhageystay ku saabsan doorashooyinka, xaaladda Amniga Galmudug , iyo wax ka qabashada abaaraha ka jira Galmudug.