Ra’iisul wasaare Rooble oo magacaabay guddi soo baarah dadkii Amisom ay ku laysay Golweyn

MUQDISHO – (WARSOOR) – Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Soomaaliya ee Ugandha ayaa sheegay in baaritaan ay ku sameyn doonaan xasuuqii Amisom ay u geysatay dadkii shacabka ahaa ee ku sugnaa deegaanka Golweyn.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in uu aad uga xun yahay waxa ku dhacay dadka ree Golweyn, isla markaana uu u tacsiyeynayo eheladii dadkaas ay ka baxeen, caddaaladdana lala tiigsan doono Askartii falkaas geysatay.

Wasiirada Wasaaradaha Gaashaandhiga, Arimaha Gudaha, Amniga iyo Wasaaradda Caddaaladda ayaa loo xil saaray in ay baaritaan ku sameeyaan Kiiskaas si caddaalad loogu helo dhibanayaasha.