Ra’iisul Wasaare Rooble oo la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed Switzerland

Switzerland – (WARSOOR) – Ra’iisul Wasaare Rooble oo la kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed Switzerland ayaa uga warramay xaaladda abaarta, doorashada iyo amniga dalka.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa magaalada Geneva kula kulmay xubno ka socday jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Switzerland oo uu uga warbixiyay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan heerka ay mareyso abaarta dalka ka jirta iyo sida qurbajoogta Soomaaliyeed uga qeyb qaadan karto gurmadka dadka abaartu saameysay, doorashooyinka iyo amniga dalka.

Ra’iisul Wasaaraha oo Geneva uga qeyb galaya shir caalami ah oo ku saabsan abaaraha ka jira Geeska Afrika, si gaar ahna diiradda loogu saarayo xaaladda abaareed ee Soomaaliya, ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed meel ay joogaanba in loo gurmado dadka ku tabaaloobay abaarta ba’an ee dalka ka jirta.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale jaaliyadda uga warramay xaaladda siyaasadeed ee dalka, habsami u socodka doorashooyinka oo heer gebogebo ah maraya iyo xaaladda amni ee dalka, isagoo ka codsaday in dadka Soomaaliyeed ee gudaha dalka iyo dibadda ku nool ay door muhiim ah ka qaataan horumarinta dalka.

Dhinaca kale qaar ka mid ah xubnaha Jaaliyadda Soomaalida ee Switzerland ayaa Ra’iisul Wasaaraha ku ammaanay kaalintiisa hormuudka ah ee doorashada, gurmadka abaaraha iyo waajibaadka kale ee xukuumaddiisa loo igmaday.

Kulanka Ra’iisul Wasaaruhu la yeeshay Jaaliyadda waxaa sidoo kale ka qeyb galay safiiradda Soomaaliya ee Switzerland Marwo Abyan Maxamed Saalax, diblomaasiyiinta safaaradda iyo mas’uuliyiin kale oo Ra’iisul Wasaaraha ku wehliyay safarkiisa Switzerland.