Ra’iisul wasaare Rooble oo kulan la qaatay Safiirka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya

MUQDHISO – (WARSOOR)– Ra’iisul Wasaararaha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay Safiirka Cusub ee Dowladda Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Larry Adre oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labad dal, dhammeystirka doorashooyinka dalka, Amniga iyo la dagaallanka argagixisada iyo kaalinta Mareykanka ee wax ka qabashada abaarta baahsan ee dalka ka jirta.