Ra’iisul wasaare Rooble oo kulan la qaatay Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka iyo Guddoomiyaha aqalka sare

MUQDISHO – (WARSOOR) – Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay Guddodomiyaha Aqalka Sare ee BFS Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed.

Kulankan ayaa looga Arrinsanayay u diyaar garowga doorashada xildhibaannada Aqalka Sare ee Gobollada Woqooyi (Somaliland) iyo in sida ugu dhaqsiyaha badan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha loogu soo gudbiyo liiska musharaxiinta Aqalka Sare.

dhinaca kale  waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Dalka Mudane Baashe Yuusuf Axmed.