Ra’iisul Wasaare Rooble oo hambalyo u diray Xildhibaannada Aqalka Sare ee laga soo doortay Koonfur Galbeed

MUQDISHO – (WARSOOR) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed  Xuseen Rooble ayaa dowlad-goboleedka Koofur Galbeed ugu hambalyeeyay bilaabista doorashada Aqalka Sare, isagoo bogaadiyay hanaanka ay u dhacday doorashada Aqalka Sare ee maanta ka qabsoontay Baydhabo.

“Ra’iisul Wasaara Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ugu horreyn hambalyo u diray dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen, kuwaasi oo maanta bilaabay qabashada doorashada xubnaha Aqalka Sare, soona saaray xubnihii ugu horeeyay oo labo ka mid ah ay ahaayeen Haween, taasi oo muujineysa sida Koonfur galbeed ay u xaqiijiyeen qoondada Haweenka ee Aqalka Sare. Waxaana uu Ra’iisul Wasaaruhu u hambalyeeyay xubnihii maanta la doortay”. Ayuu yiri Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimuu.

Afhayeenka ayaa xusay in Ra’iisul Wasaare Rooble uu ku booriyay Madaxda kale ee dowlad Goboleedyada ee aan weli bilaabin doorashada inay dedejiyaan oo ay bilaabaan doorashada.