Ra’iisul wasaare Rooble oo hambalyeey Gudiyadda Doorashooyinka iyo xubnaha Golaha shacabka ee lagu soo doortay ceelwaaq

MUQDISHO – (WARSOOR) – Ra’iisul waasaraha XFS oo goor dhowed soo saaray qoraal kooban ayaa hambalyo u diray Gudida hirgelinta doodashooyinka Heer fededaal iyo gudidda Doorashooyinka Jubaland oo maanta soo gabogabayey doorashada xubnaha Golaha shacabka ee deegaan doorashadoodu ahayd Ceelwaaq.

” Waxaan u hambaleynayaa Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal, Guddiga Doorashada Jubaland iyo Dowlad-goboleedka Jubaland oo maanta soo gebogebeeyay doorashadii xildhibaannada Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu ahayd gobolka Gedo”

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale Hambalyo u diray xildhibaannada cusub ee la doortay, isagoo u rajeynayey in uu Eebbe ku garab galo mas’uuliyadda qaran ee loo igmaday.