Ra’iisul wasaare Rooble oo Gudiyadda Doorashada faray inay deg deg u gudo galaan hawlaha dhamaystirka Doorashooyinka Dalka

MUQDISHO – (WARSOOR) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa faray Guddiyada Doorashada Heer Federaal iyo Heer Dowlad-goboleed in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u bilaabaan doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka, ayna soo gebogebeeyaan ugu dambeyn dhammaadka bisha December 2021.

Ra’iisul Wasaaraha oo kulan habka fogaan aragga ah la yeeshay Guddiyada Doorashooyinka labada heer, ayaa sheegay in Xukuumaddu diyaar u tahay fududeynta arrimaha farsamo, amni iyo dhaqaale ee lagama maarmaanka u ah qabsoomidda doorashada,isagoo guddiyada faray in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u soo gudbiyaan qorshe howleedka qabashada doorashada, ayna tagaan goobaha doorashadu ay ka dhaceyso.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa kula dardaarmay Guddiga Xallinta Khilaafaadku in ay si dhow ula socdaan howsha doorashada.
Isagoo la hadlayay guddiyada ayuu Ra’iisul Wasaaruhu carrabka ku adkeeyay in uusan jirin kursi cid gaar ah loo xirayo, ayna lagama maarmaan tahay in tartanku noqdo mid furan oo xalaal ah.

Waxa uu sidoo kale Ra’iisulWasaare Rooble ku boorriyay guddiyada doorashada in la dhowro qoondada haweenka 30% ee Xildhibaannada Golaha Shacabka ee BFS.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in uu dhawaan booqan doono goobaha ay doorashadu ka dhaceyso, si uu ugu kuur galo habsami u socodka doorashada.