Ra’iisul Wasaare Ku-xiggeenka XFS Oo Guddoomiyay Madasha Labaad ee Siyaasadda Dhaqaalaha Qaranka

Muqdisho – (warsoor) – Ra”iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) Mudane Mahdi Maxamad Guuleed (Khadar) ayaa maanta guddoomiyay Madasha Labaad ee Siyaasadda Dhaqaalaha Qaranka.Shirka ayaa looga hadlay hannaanka ugu habboon ee horumarinta dhaqaalaha dalka, waxaana la isku dhaafsaday talooyin muhiim u ah kobcinta dhaqaalaha dalka.

Golaha dhaqaalaha qaranka oo ah gole dowladda kala taliya horumarinta dhaqaalaha dlaka ayaa sameeya cilmi baarisyo iyo xog aruurin u gogol xaaraya taabba gelinta hannaan dhaqaale oo la jaan qaadi kara dunida casriga ah, dowladdana ka caawiya in ay gaarto go’aanna dhaqaale oo dhaxal gal ah.

Xigasho; SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.