Raiisul-wasaare ku xgeenka oo maanta ka qeybgalay shirka horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha Dalka

Muqdisho – (warsoor) – Shir looga hadlayay horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha dalka ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho uuna shir-guddoomiayay Ra’iidul-wasaareku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Md.MaxamedCumar Carte.

Shirka ayaa waxaa sidoo kale kaqeybgalay Wasiirka Maaliyadda, Wakiillo ka socday Qaramada Midoobay,SafiirkaJaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya,kan Turkiga, Dowlad-gobaleedka xubnahaka ah dowladda federaalka iyo Ururrada Bulshada Rayidka, inta uu socday shirka ayaa ka qeybgalayaasha waxay kaga hadleen hourmarka Soomaaliya ay ka sameysay hay’adda la xisaabtaanka Dhaqaalaha dalka,Qorshaha horumarinta qarankan iyo Arirmaha Doorashooyinka dalka o omeel wanaagsan marayo.

Markii uu soo idlaaday shirka ayaa Ra’iisal-wasaareku_xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Curmar Carte Qaalib oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in horumar ay dowladda somaaliya ka sameysay nidaamka Hay’adda Dhaqaalaha Waddanka.

vlcsnap-2016-11-17-16h15m30s116

M. Carte ayaa sidoo kale sheegay in doorashada aqalka sare iyo midka hoose si wanaagsan dalka ay uga socdaan
Sidoo kale kulanka ayaa waxaa lagu boogaadiyay sida wanaagsan ay dowladda Soomaaliya ay xil ballaaran is aga saartay xaqiijinta Koontada Haweenka ee xildhibaanada.

Dhinca kale Raisalwasaare ku _xigeenka xukuumada Somaaliya mudane Maxamed Cumar Carte ayaa la kulmay Safiirka Midowga yurub u soo magacaabay Soomaaliya.

Safiirka Midowga Yurub Amp Verinque Lorenzo.ayaaRa’iiisu lwasaare kuxigeenka ugu mahad celisay kulanka waxaysheegtay in ay Midowga Yurub Mashaaraciida Soomaaliya ay ka wadaan ay dardar galin doonaan.

Xigasho: Sonna

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.