Ra’iisul Wasaare Kheyre “Waxaan fureynaa sanduuq lacago qaaraan ah loogu aruurinayo ciidamada qalabka sida”

Muqdisho – (warsoor) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo goob fagaaro ah kula hadlayay shacabka Soomaaliyeed ayaa tilmaamay inay furayaan sanduuq cusub oo lacago qaaran ah loogu aruurinayo ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, kaasi oo uu sheegay inay wax badan ka tareyso xagga bixinta mushaarka ciidanka,

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka codsaday shacabka inay ka qeyb qaataan bixinta qaaraanka lacag arruurinta ee loogu talagalay bixinta mushaarka ciidanka, maadaama ay ciidamadu diyaar u yihiin inay dalkooda difaacaan.

Mudane Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaaraha ayaa hoosta ka xariiqay in haddii dowladdu ay rabto dhismaha ciidanka ay noqdaan kuwa ay bixiyaan mushaarkooda oo aan cidkale lagu haleynin.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa tilamamay in shacabka looga baahanyahy inay ku shaqeeyan nidaamka iskaa wax u qabso oo ay ka qeyb qaataan horumarka dalkooda.

Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa bulshada Soomaaliyeed ku booriyay inay ka qeyb qaataan sidii shacabka la isugu keeni lahaa, waxaana uu intaa ku daray in dhibka looga bixi karo inay bulshada isu imaato.

Xigash: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.