Ra’iisul Wasaare Kheyre oo gaadhay magaalada Baydhabo

Baydhabo – (warsoor)  Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre iyo wafti balaaran oo uu hoggaaminayo ayaa maanta gaadhy magaaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur Galbeed, halkaas oo galinka dambe ee maanta la qorsheynayo in lagu qabto shirka goloha amniga qaranka oo saddexdii biloodba mar la qabto. Waxaana looga hadli doonaa xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha Amniga iyo Siyaasadda.

Ra’iislu Wasaaraha Soomaaliya iyo waftigiisa waxaa goroonka diyaaradaha ee magaalada Baydhabo ku soo dhaweeyay madaxwaynaha maamulka Koonfur galbeed Mudane Shariif Xasan Shiikh Aadan, Guddoonka Baarlamaanka ee maamulka, Wasiiro, Xildhibaano iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshadda.

Sidoo kale shirka goloha amniga qaranka ayaa looga hadlayaa qorshaha lagu soo badhigi doono kulan ka qabsoomaya magaladda Brussles ee dalka Belguim, kaas oo la doonayo in lagu dajiyo qorshaha siyasadeed iyo amni ee dalka. Waxaana qayb ka ah dhammaan madaxda maamul goboleedyadda dalka iyo guddoomiyha gobolka Benaadir.

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.