Ra’iisul wasaare Kheyre oo Dalka dib ugu soo laabtay

Muqdisho – (warsoor) – Ra”iisul wasaaraha Dalka Soomaaliya Mudane, Xasan Cali Kheyr, ayaa Maanta Dalka dib ugu soo laabtay, markii booqasho rasmi ah uu Laba Cisho ka hor ku tagay Dalka Boqortooyada Sucuudiga Carabiya.

Ra’iisul wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa intii ay ku sugnaayeen Dalka Sacuudiga waxay kulamo la qaateen Boqorka Dalkaasi, Boqor Salmaan Bin C/casiis iyo dhaxal sugahiisa Maxamed Bin Salmaan, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka qotada dheer ee Labada Dal iyo sidii laysaga kaashan lahaa arrimaha ganacsiga , fursadaha maal-gashi ee Dalka ka jira iyo horumarinta dhaqaalaha Dalka.

Mudane, Kheyre, ayaa intii uu halkaasi ku sugnaa waxa uu soo booqday Xaranka barakaysan, isaga oo halkaasi kusoo Cumraystay, una soo duceeyay Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.