Ra’iisul Wasaare Khayre oo Booqday qaxooti Soomaliyeed oo ku nool dalka Jabuuti

Jabuuti – (warsoor) –  Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdiga uu hogaaminayo ee ku sugan Jabuuti ayaa booqday degmadda Cali-cadde oo ka tirsan gobolka Cali Sabiix ee dalka Jabuuti, halkaas oo ay ku nool yihiin Qaxooti Soomaaliyeed oo ka barakacay colaadihii dalka ragaadiyay.

Ra’iisul Wasaare Khayre iyo wafdigiisa ayaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyay deegaanka ay ku noolyihiin qaxootiga Soomaaliyeed, waxa uuna ka sheekeeyay ra’iisul wasaaruhu dhibaatada ay leedahay Qaxootinimada.

“Waxa aan uga mahad celinayaa dawladda Jabuuti sida walaaltinimada leh ee ay idiin soo dhaweysay. Waa aaminsanahay in halkaan aad nolol ku heysataan, amni ku heysataan, xuquuq aad leedihiin oo qaarkiin shaqo ku heystaan hadana meesha ugu dambeysa ee aad nolol wanaagsan ku heli kartaan waa dalkiinna hooyo.” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Khayre.

Ra’iisul wasaare Khayre ayaa kula dardaarmay qoysaska qaxootiga ku ah Cali-cadde in ay caruurtooda waxbarashada ugu dadaalaan, si marka ay Soomaaliya kusoo laabtaan ay uga qeyb qaataan dadaallada horumarinta dalka.

Xigasho: Sonna

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.