Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed oo sheegay inuu tagayo jiida hore ee dagaalka

ITOOBIYA – (WARSOOR) – Wararka ka imaanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed uu shaaciyay inuu hadda wixii ka dambeeya uu tagayo jiida hore ee dagaalka kaa oo u dhaxeeya ciidamada federaalka iyo xoogagga TPLF. Ra’iisul wasaare Abiy ayaa ah abbaanduulaha guud ee ciidamada difaaca Qaranka dalka Itoobiya, wuxuuna fariintaan si gaar ah ugu muujinayay inuu doonayo inuu hoggaamiyo ciidamada dagaalka ku jira.

Hadalkaan ayaa ka dambeyay sida wararku sheegayaan kadib markii gudiga fulinta ee Xisbiga Barwaaqo ee dalka Itoobiya mas’uuliyiin ka tirsan ay kulan ku yeesheen shalay magaalada Adis Ababa ee caasimadda Itoobiya, kulankaas oo looga hadlayay xaaladihii ugu dambeyay ee dalka gaarahaanna dirirta u dhaxeeya dowladda federaalka iyo fallaagada TPLF ee waqooyiga. Sidoo kale mas’uuliyiinta Xisbiga Barwaaqo ayaa sheegay in hoggaanka Xisbigu ay diyaar u yihiin in dagaalka ay galaan oo ay qoryaha qaataan.

Saacado kadib markii ra’iisul wasaare Abiy Axmed uu shaaciyay in barri laga bilaabo uu tagi doono jiidda hore ee dalka ayaa isana waxaa bartiisa faceboogga qoraal ku baahiyay afhayeenka TPLF, Getachew Reda oo hadalka Abiy ku tilmaamay mid majaajilo ah isaga oo intaa raaciyay inay sii wadayaan dadaalladooda ku aaddan in dadkooda ay ka dul qaadaan cunna qabateynta saaran.

Saacadihii la soo dhaafayna waxaa baraha bulshada lagu arkayay in ciidamo ka tirsan booliska federaalka Itoobiya la geeyay xuduudaha iyo magaalooyinka kuwaas oo la sheegay in loogu tala galay inay sugaan amniga aaggaga la geeyay.

Dhanka kale Safaaradda Mareykanka ee dalka Itoobiya ayaa ku boorisay muwaadiniinta Mareykanka ee ku sugan Itoobiya inay isaga baxaan dalkaasi iyaga oo isticmaalaya xulashooyin kala duwan ama wax kasta oo sahli kara inay ka safraan Itoobiya waxaana lagu yiri qoraalka” Xaaladda amaan ee dalka Itoobiya ayaa sii xumaanaysaa. Safaaradda Maraykanku waxay ku boorinaysaa muwaadiniinta Maraykanka ah ee ku sugan Itoobiya inay hadda baxaan iyagoo isticmaalaya wixii karaankooda ah”

Sidoo kale Safaaradda dalka Turkiga ee magaalada Adis Ababa ayaa u sheegtay muwaadiniinta Turkiga ee hadda ku sugan Itoobiya inay isaga baxaan dalkaas sababo la xiriira isku dhacyada sii kordhaya ee u dhaxeeya ciidamada milatariga iyo fallaagada TPLF.

2-dii Bishaan Nufeember ayay ahayd markii dowladda Itoobiya ay ku dhawaaqday xaalad deg deg ah oo dalka lagu soo rogay iyadoo ay ugu wacan tahay dagaallada ka socda qaybo ka mid ah Itoobiya.

Jaaliyadaha Itoobiyaanka ah ee ku nool qaar ka mid ah wadamada dibadda ayaa sameyay bannaanbaxyo ay ku taageerayaan dowladda iyaga oo ugu baaqay dalalka caalamka inay dowladda Itoobiya ku gacan siiyaan dagaalka ay kula jirto kooxda TPLF.

Dalalka isu soo baxyadu ka dhaceen waxaa ka mid ah Mareykanka iyo Canada,hase-yeeshee telefishinka ku hadla afka dowladda federaalka Itoobiya ayaa sheegay inay bannaanbaxayada lagu tagaeerayay dowladda ay ka dhaceen 27 magaalo oo ku kala yaalla dalalka caalamka.