Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Arimaha Dibadda ee dalka Kenya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Arimaha Dibadda ee dalka Kenya Raychelle Omamo,taas oo ay ka wada hadleen sare u qaadidda iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhaxeeya labada dal ee dariska ah ee Soomaaliya iyo Kenya.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya ka guddoomay casuumad rasmi ah oo uu ka helay madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyata.

Labada Dal ee Kenya iyo Soomaaliya waa laba dal oo deris oo ay ka dhexeeyaan dano badan sida diblomaasiyadda,amniga iyo arrimaha dhaqaalaha.

Xukuumadda Soomaaliya waxa ay adkeyneysaa in dacwada muranka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya go’aankeeda laga sugayo Maxkamadda Caalamiga ee Caddaalada.