Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Oo Kormeerey Wasaaraddo

Muqdisho – (WARSOOR) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa kormeer shaqo oo uu ugu kuurgelayo adeegyada ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed ku tagey Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka iyo Xarunta Howlgallada Deg-degga ah ee Caafimaadka Guud.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka dhageystay Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Mudane Xasan Macalin Maxamuud warbixin la xiriirta dhammeystirka dastuurka KMG ah, horumarinta hannaanka caddaaladda dalka, hagaajinta iyo horumarinta sharciyada ay wasaaraddu gacanta ku heyso, si loogu gudbiyo golaha wasiirrada iyo dardar-gelinta shaqada ka socota wasaaradda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in xukuumadda DanQaran ay ka go’an tahay la dagaallanka musuq-maasuqa iyo in la-qabyo-tiro dastuurka KMG ah dhammaadka sannadkan.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa kormeeray Xarunta Howlgallada Deg-degga ah ee Caafimaadka Guud oo dhowaan ay howlgelisay Wasaaradda Caafimaadka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay ahmiyadda ay u leedahay dalka xaruntani oo ka jawaabi doonta baahiyaha deg-degga ah ee dhanka caafimaadka ee la soo gudboonaada dalka.