Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabilay danjiraha Dowladda Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya

Muqdisho – (WARSOOR) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada faderaalka soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa qaabilay danjiraha Dowladda Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Mudane Maxamed Axmed Alcuthman

Ra’iisul Wasaaraha iyo danjiraha Dowladda Imaaraadka Carabta ay ka wada hadlay xoojinta iyo horumarinta xiriirka labada dal ee walaalaha ah iyo sidii dowladda Imaaraadku qeyb uga qaadan lahayd gurmadka dadka Soomaaliyeed ee abaaruhu saameeyeen.