Ra’iisul Wasaaraha XFS oo kulan la yeeshay xubno matalaya Midowga Musharraxiinta

MUQDISHO – (WARSOOR) – Ra’iisul Wasaaraha XFS ayaa kulan la yeeshay xubno matalaya Midowga Musharraxiinta oo ay ka wada hadleen dardargelinta, hufnaanta doorashooyinka iyo tabashooyinka jira ka hor shirka lagu wado in uu 27ka December Muqdisho uga furmo Golaha Wadatashiga Qaranka.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sidoo kale kulamo la qaadan doona qeybaha bulshada oo ay ugu horreeyaan Ururada Bulshada Rayidka si uu uga dhageysto talooyinkooda ka hor shirka Golaha Wada tashiga Qaran.