Ra’iisul Wasaaraha XfS oo kulan la qaatay Midowga Musharaxiinta

Muqdisho – (WARSOOR) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay Midowga Musharaxiinta oo ay ka wada hadleen dardargelinta howlaha doorashooyinka, turxaan bixinta habraacyadii 24-kii bishan iyo sidii loogu gudbi lahaa wajiga labaad ee doorashada Golaha Shacabka ee Barlaamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Midowga Murasharaxiinta ayaa Ra’iisul Wasaaraha la wadaagay talooyin ku aaddan turxaanbixinta iyo kala caddeynta qodobbada qaar ee ku xusan habraacii arrimaha doorashooyinka ee Golaha Wadatashiga Qaranku soo saareen 24-kii bishan.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Midowga Musharraxiinta ayaa isla gartay in si wadajir ah looga wada shaqeeyo bilaabista wajiga labaad ee doorashada Golaha Shacabka ee BFS, si dhowna looga wada shaqeeyo arimaha u baahan kala cadeeynta.