Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka qeyb galay gebogebada doorashada xildhibaannada labada aqal ee dalka

MUQDISHO – (WARSOOR) – Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ka qeyb galay gebogebada doorashada xildhibaannada labada aqal ee dalka ku matalaya Gobollada Woqooyi, ayaa hambalyeeyay xildhibaannada cusub.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku ammaanay guddiyada doorashada Somaliland (SEIT) iyo Heer Federaal howsha adag ay qabteen iyo in ay doorashada ku soo dhammeeyeen ka hor xilligii loo asteeyay, isagoo dowlad-goboleedyada ku boorriyay inay doorashada xildhibaannad deg deg u soo gebagabeeyaan.