Ra’iisul Wasaaraha oo war kasoo saaray doorashada gobollada waqooyi

MUQDISHO – (WARSOOR) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo maanta la kulmay 11-ka xubnood ee Guddiga Doorashooyinka Somaliland ayaa sheegay in doorashadii guddoomiyenimada guddiga ee hore loo dhisay la baab’iyay iyo inuu dib isu dooran doono, sidaa darteed goobta iyo waqtiga ay doorashadoodu dhici doonto la soo sheegi doono.

Wuxuu sheegay in guddiga doorashooyinka Gobollada Waqooyi laga doonayo inay ‘ay ka madax banaanaadaan siyaasadda iyo aragtida dhinacyada, ayna si siman ugu adeegaan dhammaan muwaadiniinta u tartamaya kuraasta ay doorashadooda hagayaan’

“Sida ku qoran wareegtadii la idinku soo magacaabay, waxaad ka madax bannaan tihiin cid kasta oo siyaasad ku jirta, sida uu qabo habraaca doorashada, waxaa la idin kaga fadhiyaa waajibaadkiina inaad u gudataan si daacad ah oo waafaqsan hufnaanta doorashada, wixii caqabad ah ee idinla soo gud-boonaadana waxaad ula soo laabanaysaan Ra’iisul Wasaaraha oo ah hoggaamiyaha doorashada” ayaa lagu yiri war saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Waxaana arrintan lagu wadaa inay soo afjarto khilaafka harreeyay hanaanka doorashada gobollada Waqooyi kadib markii labo garab ay u kala jabeen guddiga Gobolada Waqooyi ee Doorashada.