Ra’iisul wasaaraha Itoobiya oo Baaq u diray Taageerayaashiisa

Itoobiya – (WARSOOR) – Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa taageerayaashiisa ku booriyay inay adeegsadaan hub kasta oo ay heystaan si ay u joojiyaan horusocodka ay wadaan ciidamada fallaagada Tigreega.

Waxa uu go’aankan ka soo saaray Facebook ka dib markii ay jabhadu sheegtay in ay guulo kale oo dhuleed ka gaadheen gobolka Axmaarada, iyaga oo ku sii dhawaanaya caasimada Itoobiya ee Addis Ababa.

Abiy ayaa sheegay in ay waajib ku tahay muwaadiniinta in sida uu hadalka u dhigay ay xannibaan, baabi’iyaan oo ay aasaan ciidamada jabhadda TPLF.

Xilli uu intaasi sii raaciyey in ay ku caana maaleen ‘waardiyaynta dalkooda’.
“Mustaqbalka cadawgu wuxuu ururin doonaa ciidamadiisa hadhay wuxuuna qaadi doonaa weerarro la mid ah,” ayuu yidhi ra’iisul wasaaraha, wuxuuna ka digay “innaga oo og in isha dhibkenna halka ay tahay, taas oo ah daciifnimadeenna iyo dayacayada, waa inaan feejignaannaa oo feejignaannaa. Tiradeennu waa xoog markaan is-fahamno ee si fiican isu fahanno. Kala taggeennu waxa uu u habboon yahay cadowga. Haddii aan is-maqalno oo aan iska kaashanno, waxaa bilaabanaysa in awoodda cadowga ay burburto,” ayuu yidhi oo sii raaciyey hadalkiisa.

Afhayeen u hadlay kooxda TPLF (Getachew Reda) ayaa sheegay in ujeedadooda kaliya ay tahay in ay jabiyaan go’doominta Tigrayga. Qaramada Midoobay ayaa ku qiyaastay in afar boqol oo kun oo qof oo ku nool gobolka ay ku nool yihiin xaalado macaluul u eg, sanad kaddib markii uu dagaalku billowday.

Ra’iisul wasaare Abiy ayaa sheegay in kooxda argagixisada ah ee TPLF ay sii wadato dhibaataynta ay Itoobiya ku hayaan, taas oo uu ku qexay ‘sida wiil yar oo shar badan oo hooyadiis lagu salliday’. Wuxuu ku eedeeyay TPLF in ay ka dhalatay “dacaayad nacayb ah” wuxuuna yidhi “Ciidankii ay abaabuleen kooxda TPLF ayaa rasaas ka furay afar jiho, waxayna sii wadatay hawlaheedii ay dalka ku baabi’in lahaayeen.”

Xigasho: BBC